Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Djibouti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee dalkaasi, iyagoona ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle la wadaagay guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada, waxaana uu uga mahadceliyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay Dowladda Jabuuti, gaar ahaan Ciidamada Hiil Walaal u muujiyeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda hawgalka dib-u-xoreynta dalka.

Dhankiisa, Madaxweyne Geelle oo bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Khawaarijta ayaa xusay in Dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Somaliya, si looga adkaado kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com