Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Itoobiya

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalkaasi Itoobiya.

Wasiirka ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Itoobiya, General Birhanu Jula, kaasoo ay ka wada hadleen, sidii labada dowladood isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Dowladda Somaliya ay ka go’antahay, sidii kooxaha argagixisada looga ciribtiri lahaa dalka oo dhan.

General Birhanu Jula ayaa waxa uu Dowladda Federaalka ku ammaanay, sida ay ugu soo jeedsatay ciribtirka kooxaha argagixisada.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa Muqdisho u muujisay inay ka taageeri doonto, sidii ay dalka uga suulin laheyd Shabaabka hubeysan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com