Xabaalo wadareedyo laga helay duleedka Aadan Yabaal

Ciidanka Xoogga Dalka oo maanta hawlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyay hawdka Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay ka heleen xabaalo wadareedyo.

Ciidanka ayaa deegaanka Ciid-ciidka Jimbilow ku arkay meydadka maleeshiyada Al Shabaab oo toban toban isu barkan, iyadoo xabaalaha lagu aasayna ay ahaayeen kuwo aan si wanaagsan hoosta loogu sii qodin.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay inaanay xitaa meydadkoodu xormeyn.

Saraakiishu waxay meydadkan ku sheegeen dagaalyahanadii Shabaabka ee lagu dilay dagaaladii ka dhacay deegaanada hoostagga Degmada Aadan Yabaal, oo Talaadadii ay ciidamadu la wareegeen.

“Meeshaan waxaa ku duugan meydad aad u tiro badan oo loo duugay si arxandarro ah. Weligay ma arag wax noocaan oo kale loo aasay.” Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Xoogga Dalka oo Telefishinka Qaranka la hadlay.

Inkastoo Shabaabku aanay ku dagaalamin Degmada Aadan Yabaal, haddana deegaanada hoostagga ayay dagaalo culus kula galeen ciidamadii ku soo wajahnaa.

Aadan Yabaal oo qiyaastii 245km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Muqdisho ayay Shabaabku ku lahaayeen saldhigooda ugu weyn ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com