Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Beledweyne

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saaka weeraray xerada Ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Beerxaano ee duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen xeradaasi, isla-markaana ay iska caabin xoogan kala kulmeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmad xoog leh oo ciidamada gaaray ay taasi dhabaha u xaartay inay dib u gurtaan maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in intii uu dagaalku socday ay maqlayeen daryanka sawaxanka ee hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoona Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan aanay weli ka hadlin dagaalkaasi.

Beerxaano oo dhanka koonfureed kaga beegan Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa ka mid ah deegaanadii horaan laga saaray maleeshiyadaasi.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayuu guluf ballaaran kaga furan yahay Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, iyagoona mararka qaarkood qaadaya weeraro rogaalcelin ah.

Shabaabka ayaa lumiyay dhul ballaaran oo muddo dheer ay ka arriminayeen, waana hawlgalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay mid uun bilow u ah hawlgalada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Talaadadii sheegay in ciidamadu sii wadi doonaan hawlgalada kooxaha argagixisada lagaga sifeynayo deegaanada Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com