Socdaalka Madaxweynaha Hirshabelle ee Degmada Aadan Yabaal iyo waxa uu la xiriiro

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gelinkii dambe ee Arbacadii shalay gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa xalay ku hoyday degmadaasi, maalin uun ka dib markii laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ayaa Talaadadii si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta degmadaasi, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan ayaa safar dhinaca dhulka kaga ambabaxay Magaalada Jowhar.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa sii maray deegaanadii dhawaan laga saaray maleeshiyadaasi.

Socdaalka Madaxweynaha Hirshabelle ee Degmada Aadan Yabaal ayaa la xiriira, sidii nidaamka dowladnimada loo gaarsiin lahaa degmadaasi, shacabka barkacayna uu ugu baaqi lahaa inay dib u soo guryo noqdaan, gulufka socdana loo dardargelin lahaa.

Aadan Yabaal oo Shabaabku ay ka arriminayeen muddo dheer ayaa ahayd degmadii ugu muhiimsaneyd ee ay ka jooggeen gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com