Laftagareen oo hoygiisa ku qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maalintii 2aad ku sugan Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa hoyga uu ka degan yahay Xarunta Madaxtooyada Puntland waxa uu maanta ku qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa hoyga uu ka degan yahay Xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland ku qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo booqasho iyo salaan ugu yimid.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Khamiistii gaaray Magaalada Garoowe, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay Madaxda Puntland.

Safarka Madaxweyne Laftagareen ee Puntland ayaa imaanaya, xilli muddo xileedkiisu uu ku egyahay 19-ka bishan, isla-markaana ay siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ka horyimaadeen muddo kordhintii uu dhawaan Baarlamaanka u sameeyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com