Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha Shiinaha (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgelaya Shirka Shiinaha iyo Wadamada Carabta ayaa Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga kula kulmay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Somaliya, isaga oo soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaagga Jamhruuiyaddda Federaalka Somaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto argagixisada Khawaarijta, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha dayn-cafinta.” Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Facebook.

“Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyay mashaariic dhaxal-gal ah oo illaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu sheegay warka

Warka ayaa sidoo kale lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa halkaas kala qaybgelaya Madaxda, Amiirada iyo Boqorada dalalka Carabta Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta, oo lagaga arrinsanayo xoojinta xasilloonida mandiqadda, horumarinta, is bedelka cimilada iyo ganacsiga.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com