Shabaab oo sheegay in weerar qorsheysan lagu dilay Taliyihii ugu sarreyay Sirdoonka Gedo

Al Shabaab ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan ay maleeshiyadeeda saqdii dhexe ee xalay ku dileen Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Gedo, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan (Bakaal Kooke).

Gaadiid uu watay Taliyaha ayaa qarax lagula eegtay duleedka Degmada Luuq, waana xilli uu ku laabanayay Degmada Doolow oo maalmo ka hor uu ka yimid.

Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in hawlgalkaasi qorsheysan lagu dilay Taliyihii ugu sarreyay ee SIrdoonka Gobolka Gedo.

Warka ayaa lagu sheegay in Taliye Bakaal Kooke uu Degmada Luuq ka abaabulayay dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Waxaa kale hawlgalka uu dhaawac halis ah ka soo gaaray Taliyihii hore ee Sirdoonka Degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow.” Ayaa lagu sheegay warka.

Dhanka kale Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa ka taciyeeyay geerida Taliyihii NISA ee gobolkaasi.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiiday marxuum Bakaal Kooke, Taliyihii NISA Gobolka Gedo, waxaan farayaa qaybaha baarista ee hay’adda in ay baaritaan dhab ah ku soo sameeyaan kiiskan.” Ayuu Mahad Salaad ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Gelinka dambe ee maanta ayaa marxuum Bakaal Kooke lagu wadaa in lagu aaso Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com