Shir amniga looga hadlayay oo ka dhacay Degmada Aadan Yabaal (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir guddoomiyay shir amniga looga hadlayay oo ka qabsoomay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyeyaasha Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Lugta, Taliyaha Qaybta 27aad, Taliyaha Booliska Hirshabelle iyo Kuxigeenkiisa.

Ujeedka shirka ayaa ahaa, sidii loo xaqiijin lahaa amniga deegaanadii dhawaan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab iyo in la sii wado hawlgalada maleeshiyadaasi lagaga sifeynayo deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle oo socod ku soo maray deegaanada ay la wareegeen ciidamada ayaa sheegay in uu duruufo adag ku soo arkay deegaanadaasi, isagoo dhanka kale ku baaqay in la wajaho dhulka ay weli baaqiga ku yihiin Shabaabka.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in duruufo adag uu ku soo arkay deegaanadii uu soo maray ee laga xoreyay kooxaha Khawaarijta ah, waxa uuna kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada inay ka shaqeeyaan nabadgelyada deegaanada la xoreyay, sidoo kalena la wajaho deegaanada ay ku dhuumaleysanayaan firxadka Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.

Hawlgalada ka socdo deegaanada Hirshabelle oo horaan ka bilowday Gobolka Hiiraan ayaa ku fiday Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana Shabaabka looga saaray inta badan deegaanadii ay ka maamulayeen goboladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com