Taliyihii Hay’adda NISA ee Gobolka Gedo oo qarax lagu dilay

Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Gedo, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan (Bakaal Kooke) ayaa lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Gaadiid uu la socday Taliyaha ayaa xalay qarax lagula eegtay afaafka hore ee Degmada Luuq, xilli uu ku sii jeeday Degmada Doolow.

Laba askari oo midi uu Sarkaal yahay ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxaasi, kuwaa oo gaariga la saarnaa Taliyaha.

Gudomiyaha Degmada Luuq, Cali Kediye Maxamed ayaa sheegay in maalmo ka hor uu Bakool Kooke soo gaaray degmadaasi, qaraxana lala eegtay xilli uu ku laabanayay Degmada Doolow.

Allaha u naxariistee Bakaal Kooke ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta lagu aaso degmada xuduudda ku taala ee Doolow.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com