Ciidamada oo guda gelaya wejiga 2aad gulufka lagu wiiqayo Shabaab

Ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ciidamada ayaa bilaabaya wejiga 2aad ee dagaalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo dalka, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in uu socdo qorshaha xigga ee ciidamada, oo ay tahay in Al Shabaab lagu weeraro dhulka ay maamusho.

“Aadan Yabaal waa degmo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, hawlgalka Shabaab-na waa qorshe laga leeyahay in dhammaan laga saaro dalka Soomaaliyeed, oo ay gobolo badan ka jooggaan.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa yiri “Afar Dowlad Goboleed bay degmooyin ka jooggaan ama ka haystaan. Marka Aadan Yabaal waa degmo muhiim ah oo ka mida degmooyinka Soomaaliyeed ee cadowga laga xoreyay, laakiin ciidamadu waxay u qorsheysan yihiin hawlgalkoodii iyo waajibaadkoodii 2aad inay sii galaan.”

Waxa uu intaasi ku daray “Sida ay u bilaabayaana waa taatik/qidad iyaga u gaar ah oo Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu jaangooyay, hawlgalkuna waa socdaa iyo diyaargarowgu, ciidankuna ma ahan inta Aadan Yabaal jihadiisa ku aaddanee wuxuu jooggaa Galmudug, Gobolka Hiiraan, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.”

General Cabdullaahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xusay in ciidamo kayd ah oo loogu talagalay gurmad iyo taakuleyn ay ku diyaarsan yihiin Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Gobolka Shabellaha Hoose.

“Ciidamo kayd ah oo loogu talagalay gurmad iyo taakuleyna waxay ku diyaarsan yihiin Muqdisho, Jowhar iyo Gobolka Shabellaha Hoose. Waxa hadda lagu dhaqaaqayo waxaa weeyaan waa gobolada gacanta cadowga Al Shabaab ku jira in laga xoreyo.” Ayuu yiri General Caanood.

General Caanood ayaa intaasi raaciyay “Degmadan hadda la qabtay degmooyin baa ku xigga, degmooyinkaa lagu dhaqaaqi doono iyo midda bartilmaameedka ahna waa qorshe ciidanka u yaalla. Hawlgalku waa mid bilow ah, illaa dalka Somaliya laga sifeeyo Al Shabaab, maamulka iyo dowladnimadana meel walba ay tagto, sharciga iyo kala dambeyntana gacanta lagu soo celiyo, hawlgalkaasi ma istaagayo.”

Jananka ayaa warkan ku sheegay Barnaamijka Doodda Jimcaha (Waxa ay ila tahay) ee ka baxa BBC.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com