Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Magaalada Xudur (SAWIRRO)

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Xudur, oo ay ku soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka Bakool, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Gudoomiyaha ee Xudur ayaa la xiriira baaqiisii ahaa inay ogol dib-u-heshiisiineed isugu yimaadaan Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, ka dib markii ay ku kala qaybsameen muddo kordhinta uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo muddo xileedkiisu uu ku egyahay 19-ka bishan.

Siyaasiyiinta Mucaaradka, Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada qaarkood ayaa ka biyo diiday waxa ay ku sheegeen muddo kordhin sharci darro ah.

Aadan Madoobe ayaa daba-yaaqadii bishii hore ee November ku baaqay gogol dib-u-heshiisiineed oo dhinacyadu isugu yimaadaan Magaalada Baydhabo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa gadaal ka riixaya in la qabto doorasho wadar ogol ah, oo waqtigeeda ku qabsoomta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com