Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay Magaalada Washington

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa Caasimadda Washington kaga qaybgelaya Shirka Madaxda Afrika iyo Mareykanka, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowra.

“Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa looga hadli doonnaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka, iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga, dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo is bedelka cimilada.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah Madaxda Afrika ee shirkan lagu casuumay ayaa jeedin doona khudbad ku saabsan la dagaalanka argagixisada, guulaha Dowladda Somaliya ay ka gaartay ciribtirka Khawaarijta Al Shabaab iyo dhinacyada kale ee Dowladda Somaliya ay muhiimadda siineyso in ay iskaashi ka sameyso.”

Safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee fadhigoodu yahay Caasimadda Muqdisho ayaa taageeray shirka uu Aadan Madoobe ku baaqay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com