Mareykanka oo Sarkaal u xiray diyaarad laga soo riday 1988

Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in loo soo gacangeliyay Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Libya, kaasoo lagu eedeynayo inuu farsameeyay qarax sababay burburka diyaaradoodii rakaabka siday ee sanadkii 1988-kii ku burburtay Magaalada Lockerbie ee dalka Scotland, oo ka tirsan Boqortooyada Midowday ee UK.

Diyaaradan oo lagu magacaabi jiray Pan Am, tirsiga duulimaadkeeduna uu ahaa 103 ayaa ka duushay Magaalada London, iyadoona ku sii jeeday Magaalada New York.

Bam la sheegay inuu diyaaradda saarnaa ayaa sababay in 21-kii bishii December ee sanadkaasi ku burburto Magaalada Lockerbie, waxaana dhacdadaasi ku dhintay 259 qof oo rakaabkii diyaaradda saarnaa ah iyo 11 kale oo ku sugnaa goobtii ay ku soo dhacday. 190 ka mida rakaabka ayaana u dhashay dalka Mareykanka.

Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in Hay’adda Dembi Baarista ee FBI ay hadda gacanta ku hayso Abu Agela Mascuud Kheir al-Marmimi, kaasoo uu baaritaan dheeri ah ku socdo.

Washington ayaa qorsheynaysa in ay maxkamad horkeento ninkaasi, si loogu qaado dacwadda ah inuu farsameeyay bamkii lagu soo riday diyaaradaasi.

Washington ayaa in muddo ahba dadaal ugu jirtay, sidii loogu soo gacangelin lahaa al-Marmimi, oo ay dooneyso in lagu maxkamadeeyo eedeymaha loo haysto.

Sarkaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu fashiliyay Sarkaal kale oo reer Libya ah, ka dib markii sanadkii 2012 uu la wadaagay inuu ka dambeeyay qaraxa lagu soo riday diyaaradaasi, isagoo markaasi la shaqeynaya labadii qof ee weerarka fuliyay.

Ninkan ayaa noqonaya qofkii saddexaad ee kiiskan loo maxkamadeeyo, waxaana horey dacwadda kiiskaasi loogu soo oogay al-Amin Khalifa Fhimah iyo al-Megrahi. Mareykanka ayaa sanadkii 1991-kii dowladdii xilligaasi ee Libya ka jirtay ka codsaday inay labadaasi nin u soo gacangeliso, inkastoo ay ku gacanseyrtay. Mar dambe ayaana gacanta lagu dhigay al-Megrahi, oo lagu xukumay xabsi daa’in.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com