Shabaab ku dhaawacmay miino uu aasay oo xabsi daa’in lagu xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay nin dhallinyaro ah, oo loo maxkamadeeyay inuu illaa 7 miino ku aasay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale ayaa gacanta lagu soo dhigay bartamihii sanadkan, xilli uu ku dhaawacmay miino uu dib uga saarayay waddada Sabiib iyo Caanoole, ka dib markii uu waayay cid soo marta waddadaasi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Magaalada Muqdisho.

Bayaanka ayaa u qornaa “Cabdillaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke) ayaa loo soo xeray 03-dii bishii Juun ee sanadkan in uu ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, una qaabilsanaa qaybta qaraxyada, isaga oo 7 miino ku aasay, kuna qarxiyay waddooyinka Buufow Bacaad, waddada Janaale iyo waddada Sabiib iyo Caanoole.

August dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa Xabsiga Dhexe loo diray Garsuge ahaan.

Waxa uu Al Shabaab ku biiray isagoo 15 jir ah, waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Baay, tababarkii markii uu u soo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadkii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo, loona isticmaalo miinooyinka, waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii $200.

Qarax oo uu ku aasay waddada Sabiib iyo Caanoole ayaa dhaawac ka soo gaaray, ka dib markii uu isku dayay in uu ka bixiyo markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna ka dhaawacmay gacanta iyo lugta bowdada midig.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo codsaday dacwad qaadista kiiska Cabdillaahi ayaa laga ogolaaday 12-kii bishan ee aan ku jirno, waxa ay maxkamadda la wadaageen qiraalka eedeysanaha.

Fadhiyo kala duwan ka dib iyo dhageysiga dhinacyada dacwadda, sida Xeer Ilaalinta iyo qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdillaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke) xabsi daa’in, sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin, oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo rafcan, inta sharciga ogolyahay.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com