Wararkii ugu dambeeyay hawlgalada ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe

Hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalamaya ayaa si dardar leh uga socda Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay hujuumayaan deegaanada ay kooxahaasi ka maamulaan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa isku fidinaya deegaanada dhaca duleedka Degmada Mahadaay ee ku teedsan Webiga Shabelle, gaar ahaan aagga Cali Fooldheere.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee saaxiibada caalamiga ayaa Axaddii bartilmaameedsaday dhufeysyo ay mintidiintu ku laheyd Jiinka Webiga.

Hawlgal kale oo midkani barbar socdo ayay ciidamada ka wadaan deegaano kale oo dhaca duleedka Degmada Aadan Yabaal.

Ciidamada ayaa maanta si buuxdo ula wareegay deegaanka Alkowthar oo hoostagga Degmada Aadan Yabaal. Hawlgalkan ayaa ahaa mid lagu baacsanayay maleeshiyadii dagaalka looga soo saaray deegaanada ku dhow dhow Aadan Yabaal ee u firxaday dhanka Alkowthar.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidamadu ay maanta xoreeyan deegaanka Alkowthar.

Taliyaha oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ku goodiyay in kooxaha argagixisada looga daba taggi doono goobaha kale ee ay u firxadeen.

Deegaankan ayaa ka mid ahaa deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe ee Shabaabku ku xidideysteen, muddadii dhowr iyo tobanka sano ahayd ay dalka ka dagaalamayeen.

Hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ayaa si firfircoon uga socda deegaanada Hirshabelle, iyagoona lumiyay inta badan dhulkii ay ka maamulayeen Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in hawlgalada xoreynta & xasillinta ay ka sii socon doonaan deegaanada Hirshabelle, illaa iyo inta laga suulinayo argagixisada ugu tunka weyn Qaaradda Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com