Madaxweynaha Somaliya oo kulamo ka wada Magaalada Washington

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed ku saabsan xasilloonida qaaradda iyo isku xirka arrimaha gargaarka bani’aadanimada la qaatay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca & Dibadda Mareykanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyneyaasha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Niger Mohamed Bazoum, waxayna madaxdu adkeeyeen dhibaatada argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo wadajir loo bogaadiyay guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen hawgalada xoreynta deegaanada Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la qaatay Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Linda Greenfield.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Linda guulaha laga soo hoyey dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay saameynta dowladdiisa ee cunaqabateynta dhanka hubka ee saaran Somaliya, isagoo sheegay in si nafhurnimo leh ay Ciidamada Qaranka ku xoreeyeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo xusay doorka geesinimada leh iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee ay muujiyeen bulshada deegaanada la xoreyay ayaa dul istaagay xaaladda adag ee nololeed ee ka jirta degmooyinka iyo deegaanada laga saaray kooxahaaasi, kuwaas oo burburiyay kaabeyaasha nolosha iyo adeegyadii dadweynaha ee ka jiray deegaanadaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka rajeeyay diblomaasiyiinta Mareykanka in ay codkooda Golaha Ammaanka iyo midka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ku xoojiyaan qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Somaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, ka hortagga is bedelka cimilada iyo dib-u-dhiska deegaanada la xoreyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com