Maxkamadda Militariga oo dil toogasho ku xukuntay Sarkaal hore

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay Sarkaal horey uga tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka.

Maxamed Cabdulle Nuur Abkow ayaa lagu helay in uu la shaqeynayay maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana uu xubno ka tirsanaa maleeshiyadaasi u fududeeyay weerarkii 23-kii bishii March ee sanadkan ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Bayaan ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu faah faahiyay xukunka dilka ah ee lagu riday Sarkaalkaasi hore.

Bayaanka ayaa u qornaa “Lix iyo Soddon jirkan ku dhashay Jamaame ayaa ka mid ahaa Military-ga illaa Dowladdii Cabdullaahi Yusuf, laakiin waxa uu ka haray liiska Ciidamada Xoogga Dalka, xilligii dib-u-habaynta Electronic ahayd ee Xukuumaddii Madaxweyne Farmaajo, 2018.

Sanadkii 2017 ayay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Hay’adda Nabad Sugidda caddeeyeen in uu bilaabay la shaqaynta Al Shabaab, waxa uuna argagixisada u qaabilsanaa gudbinta gawaarida qaraxyada ah ee ay argagixisada ku weerari jirtay Muqdisho.

Waxa uu isticmaalayay magaciisa iyo kaarkiisa aqoonsiga, isago oo aan ku jirin liiska Saraakiisha oo uu mar ka gaaray Laba Xidigle.

Maragyada wax laga waydiiyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow waxa ay qireen in shaki badani ka qabeen intuu uu ka mid ahaa Saraakiisha ku qoran Villa Baydhabo ee aan howlaha ciidamada ku Jirin .

September 19-keedii 2019 ayaa lagu helay in uu qarax geeyay Ururka 38aad ee degan Villa Baydhabo.

23-kii March sanadkan ayuu ku geliyay gaarigiisa Garoonka Diyaaradaha Laba dhagar qabe oo ka tirsan argagixisada, waxaana abaabulka Biyamaalow ku naf waayay Allah u naxariisto Cabdirisaaq Aabi Cali oo ka mid ah halyeeyadii soo afjarayay weerarkaas, waxaana jiro khasaara gaaray saaxiibo kale oo joogay goobta gaarka ah ay isku fara saareen maleeshiyada weerarka ahaa iyo ciidamada gaarka ah ee Haramcad.

Sideedii bishan ayay soo geba-gabowday maxkamadaynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow.

Waxaa Maxkamadda laga daawad siiyay muuqaalka Camerooyinka amniga ee CCTV, xilligii uu gudbinayay naftood halligeyaashii arbushay garoonka.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn maanta go’aan ka soo saartay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow), waxa ayna ku xukuntay dil toogasha, oo ah qisaasta marxuum Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com