Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweyne Biden

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay munaasabad lagu qabtay Aqalka Cad ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Mareykanka, Joe Biden.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda iyo diblomaasiyiinta Mareykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxa uu xusay guulaha muuqda ee ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ka gaareen hawlgalada ka socda gobolada dalka qaarkood.

Qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biden uu bogaadiyay hawlgalada ay ciidamadu ku xoreeyeen deegaanada Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

“Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa bogaadiyay hawlgalada xoreynta deegaanada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyay kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed ciribtirka argagixisada, waxa uuna adkeeyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanku waa saaxiibka ugu weyn ee Ciidamada Dowladda ka taageeraya duqaymaha dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com