Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay xaaladda Aadan Yabaal (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada, isagoona golihiisa uga warbixiyay safarkii shalay ay isaga iyo wafdigiisa ku taggeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Raysal Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada u sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay dhibaato dhan kastaba leh u gaysteen dadka deegaanka, maantase ay dib u heleen xoriyad buuxda, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Mudane Xamse ayaa ka waramay xaaladda nololeed ee degmada oo uu sheegay in Khawaarijtu dhibaatooyin dhinac walba ah ay u gaysteen shacabka ku nool degmada, isla-markaana maanta ay dib u heleen xoriyad buuxda. Wuxuu ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee naftooda u huray, sidii looga xoreyn lahaa degmada.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Waxaa sidoo kale isna Golaha Wasiirada warbixin siiyay Raysal Wasaare Kuxigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka waramay shirarkii uu kaga qaybgalay dalalka Niger, Jabuuti iyo Angola, oo dhammaantood looga hadlayay arrimo la xiriira is bedelka cimilada, amniga iyo isu dheelitirka horumarka dhaqaalaha dalalka Afrika.”

Aadan Yabaal oo lagu tilmaamo degmadii ugu muhiimsaneyd ee Shabaabku ka jooggeen gobolkaasi ayaa waxaa 6-dii bishan la wareegay Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa deegaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com