Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo beeniyay in go’aan laga gaaray kursigii Fahad Yaasiin

Warqad loo ekeysiiyay inay ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, saqdii dhexe ee xalayna lagu baahiyay barraha bulshada ayaa lagu sheegay in go’aan laga gaaray kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#086, kaasoo uu 20-kii bishii February ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Beledweyne, inkastoo markii dambe la hakiyay natiijada doorashada kursigaasi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa been abuur ku tilmaamay warqadda lagu arkay barraha bulshada.

“Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxaa uu si cad u beeninayaa warqad been abuur ah oo lagu baahiyay barraha bulshada, taas oo ku saabsan kursiga HOP#086, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah.” Ayaa lagu yiri qoraal saaka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameynayaa cid calaa ciddii ka dambeysay falkan, waxaana lala tiigsan doonnaa sharciga.”

Maxkamadda Sare Dalka ayaa 20-kii bishii April ayidday go’aankii Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaalka, ee ahaa in dib loo qaban doono doorashada kursigaasi.

Guddiga Doorashooyinka ayaa xilligaasi ku andacooday inaanan doorashada kursigaasi loo marin habraacii saxda ahaa ee lagu heshiiyay, sidaasi daraadeedna ay doorashadaasi kursigaasi tahay in lagu celiyo.

Fahad Yaasiin ayaa saacado ka dib warqad uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Maxkamadda Sare ay ku diiday dacwaddii uu u gudbiyay, ee uu ku dalbanayay inay go’aan ka gaarto tallaabada kursigiisa looga reebay kuraastii Golaha Shacabka ee natiijadooda la shaaciyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com