Guudlaawe oo kormeeray Isbitaalka Degmada Aadan Yabaal (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan ayaa kormeeray Isbitaalka Guud ee Degmada Aadan Yabaal.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay inay burburiyeen isbitaalkaasi, oo muhiim u ahaa dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa Shabaabka ku eedeeyay in ay cadow ku ahaayeen nolosha iyo horumarka bulshada deegaanka, haddii ay burburiyeen goobihii caafimaadka, waxbarashada, ceelashii biyaha, dugsiyadii Qur’aanka iyo Masaajidda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka reer Aadan Yabaal ay hadda xor ka yhiin Shabaab, ayna tahay inay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka deegaankooda.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ballanqaaday in maamulkiisu uu wax badan ka qaban doono adeegyada bulshada iyo sidii dib-u-dhis loogu samayn lahaa goobihii ay Shabaabku burburiyeen.

Waa markii 2aad oo Madaxweyne Guudlaawe uu booqdo degmadaasi, wixii ka dambeeyay 6-dii bishan, markaas oo ay la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga Macawiisleyda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com