Madaxweyne Xasan Sheekh oo Washington kula kulmay dhiggiisa Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa la kulmay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida lagu sheegay Twitter-ka Villa Somalia.

Madaxweyneyaashu waxay isla qireen in xasilloonida Geeska Afrika ay ku xiran tahay nabadda Somaliya.

“Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah ee Somaliya, iyagoo xusay in xasilloonida Geeska Afrika ay ku xiran tahay nabadda Somaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka Midowga Afrika ee ay Ciidamada Nabad Ilaalinta ka jooggaan Gobolada Koonfureed ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com