General Biixi oo lagu wareejiyay xoogag la dagaalama Shabaab (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kormeer ku tegay deegaanka Furqaan ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo dhawaan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha iyo Saraakiil uu horkacayay ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay dadka deegaanka, oo markii dambena uu soo dhaweyntoodu kaga mahadceliyay.

Hoggaanka bulshada deegaanka ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka ku wareejiyay maleeshiyaad deegaanka ah oo la soo xulay iyo weliba xoolo nool oo ciidamada lagu dhiirigelinayo.

Maleeshiyadan deegaanka ayaa la sheegay inay ka qayb qaadan doonaan hawlgalada lagu xoreynayo deegaanada ay weli Shabaabku kaga harsan yihiin Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya in aanu hakan doonin gulufka ka soconaya gobolkaasi, illaa iyo inta dadka gobolka ku dhaqan ay xor ka noqonayaan maleeshiyada Shabaabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com