Hawlgal gaar ah oo lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab

Dowladda Federaalka ayaa caawa sheegtay in Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay xaqiijisay geerida horjooge sare oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegay in 15-kii bishan Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) iyo 87 kale oo maleeshiyaad ah lagu dilay deegaanka Juxaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe, hawlgalka lagu dilayna ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga.

Warka ayaa u qornaa “Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir), oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo halis weyn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Khawaarijta ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horey u khalday dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Horjooge Yuusuf Jingaab waxaa lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay, isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Khawaarijta, 15-kii bishan.

Dowladda Somaliya waxaa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo kuwa caadeystay gabood-falada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com