Jeyte oo lacag u ballanqaaday Shabaab kasta oo soo dila Shabaab kale

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa ballanqaad lacageed u sameeyay xubin kasta oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, ee soo dila Shabaab kale.

Gudoomiyaha ayaa maanta kormeeray deegaanada Beerxaano, Trejante, Nuur Fanax, Ceel la-helay iyo deegaano kale oo dhaca koonfurta Magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha ayaa u kuurgelayay xaaladda amni, midda nololeed ee bulshada halkaasi ku dhaqan iyo weliba dhiirigelinta Ciidanka Xoogga Dalka & kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha hore.

“Waxaa jira bahal la yiraahdo baal-dhiig, horta Shabaab waa baal-dhiig Soomaali ku dhex nool, haddaynaan saarin annagaa dhimanayna, haddaan baal-dhiigga baalka ka saarnana, annagaa badbaadayna.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ciidamada kula hadlayay deegaanka Ceel la-helay, isagoona intaasi raaciyay “Baal-dhiigga sidii loo saari lahaa ayaana rabnaa inaan ka tashano, baal-dhiiggana meeshaanuu ku jiraa.”

Gudoomiyaha ayaa yiri “Kii mid Shabaab ah soo dila, asaguna Shabaab ah ee Shabaab kale soo dila ee soo gala, lacag inaan siinayno. Kii hore waxaan niri 5 kun baan bixinaynaa soo maaha? 10 kun oo dollar baan bixinaynaa maleeshiya Shabaab ah oo maleeshiya kale oo Shabaab ah, hadduu soo dilo, isla-markaana ka soo gala. Hadduu kuwaan iyaga ah ee horjoogeyaasha u ah, sida Cali Dheere maba la heli karaba, lacagta aan hadda u dhiibnay ayaan u saddex jibaaraynaa.”

Waxa uu intaasi ku daray “Kuwa Shabaabka ah ee wiilasha yaryar ee Soomaaliyeed dhiiggooda caadeystay inay baneystaan ee dhaqaale ku raadinaya kuwa aad ilaalineysaan soo dila, lacag baanu idin siinaynaa, cafisna waa tihiin. Madaxweynihii Jamhuuriyaddaa idin ballanqaaday cafiska, anna lacagtiiyaan bixinayaa, maxaa idinka hallaabaya? Adduunka meeshaad doontaana waad tegaysaan. Haddaad Cali Dheere soo dishaan soddon kun oo dollaraa bash kugu siinaa, Madaxweynuhu waa ku cafinaa, wixii kale oo aad ka sii heli kartana ka sii hel, dhabahaga horey u qaad.”

Gudoomiye Jeyte oo leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada ka socda gobolkaasi ayaa haatan u kaba gashanaya, sidii maleeshiyadaasi lagaga saari lahaa deegaanada dhaca Jiinka Webiga Shabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com