Wada hadaladii Aadan Madoobe iyo Laftagareen oo qodobo laga soo saaray

Wada hadaladii Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaank Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa laga soo saaray qodobo la xiriira shirkii uu Gudoomiyuhu ku baaqay, horaan.

Gudoomiyaha oo Arbacadii gaaray Magaalada Baydhabo ayaa dadaal ugu jiray, sidii uu shir isugu keeni lahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo horjeedda muddo kordhinta uu Baarlamaanku u sameeyay.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ay ugu muhiimsan yihiin:-

In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed), si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada, si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

In laga wada shaqeeyo xaqiijinta xasillooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dardargelinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

Furitaanka shirka waxaa loo asteeyay 5-ta Janaayo 2023-ka, kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u baahan yihiin inay si qalbi furan u heshiiyaan, kuna wada qancaan shirka dib-u-heshiisiinta ee siyaasiyiinta, oo sida uu sheegayba lagu qaban doono Magaalada Baydhabo.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli muddo xileedka Madaxweyne Laftagareen uu ku egyahay 19-ka bishan, markaas oo 4 sano ay ku buuxdo markii xilka loo doortay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com