Dowladda Federaalka oo bilaabeysa dagaal weji cusub leh

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in xukuumaddiisu ay bilaabi doonto dagaal ka dhan ah musuq-maasuga ragaadiyay dalka.

Raysal Wasaaraha oo ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa, ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa caddeeyay in xukuumaddu ay bilaabeyso kacdoon lagula dagaalayo musuq-maasuqa, si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

Raysal Wasaaraha ayaa tibaaxay in musuq-maasuqu uu yahay cudurada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada, kaas oo sababa horumar la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan khayraadka dalka, inuu hoos u dhaco dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha, inay hoos u dhacdo sumcadda qaranka, in bulshadu aamini weyso dowladda, in dadka aqoonta & kartida leh ay waayaan fursad ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo inuu bulshada kala fogeeyo, uuna abuuro dabaqado kala sarreeya.

Raysal Wasaare Barre oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay ciribtirka musuq-maasuqa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah buslada laga dhex abuuro, maadaama toosinta nidaamka dowliga ah keliya uusan ku filneyn la dagaalanka musuqa.

Barre ayaa hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadow ka weyn musuq-maasuqa oo dalkeenna haysto, marka laga reebo kooxaha argagixisada, sidaa darteed xukuumadda ay dagaalka kula jirto argagixisada ku xijin doonto kacdoon iyo dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa dalka ragaadiyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com