Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ansixiyay miisaaniyadda 2023 (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa galabta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada, oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa Golihiisa Wasiirada uga warbixiyay hawlgalada ka socda deegaanada Hirshabelle iyo socdaalkii uu dhawaan ku soo kala bixiyay deegaano ka mida Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa hay’adaha maamulka faray in adeegyada aasaasiga ah la gaarsiiyo dhulka laga xoreyay kooxaha argagixisada.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa cod gacantaag ah ku meelmariyay miisaaniyadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee sanadka soo socda (2023) oo dhan 24,957, 853.70 oo dollar.

Miisaaniyadda 2023 ayaa dhaqangeli doonto marka ay codka kalsoonida siiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka, Madaxweynuhuna uu saxiixo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com