Mareykanka oo weeraro dhanka cirka ka fuliyay duleedka Degmada Cadale

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in laba weerar oo dhanka cirka ah ay ka gaysteen aagga Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe lagu dilay 15 ka mida maleeshiyada Al Shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in duqaymuhu ay kala dhaceen 14-kii iyo 17-kii bishan December.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanku ay duqaymahan gaysteen, ka dib codsi uga yimid dhanka Dowladda Somaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay in qiimeyntu ay muujineyso inaanan jirin dad rayid ah oo ku dhintay amaba ku dhaawacmay duqaymahaasi.

Mareykanka waa saaxiibka ugu weyn ee Dowladda Federaalka ka taageera weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Khubarada ayaa fahamsan in duqaymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee saaxiibada caalamiga ay door weyn ku leeyihiin hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ka wadaan deegaanada ay Shabaabku maamulaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com