Laftagareen oo cafis u fidiyay ku dhawaad 20 maxbuus (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa cafis u fidiyay ku dhawaad 20 maxbuus, oo muddooyinkii ugu dambeysay ku xirnaa Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa cafis madaxweyne ku sii dayay maxaabiistan, munaasabadda sanad guurada 4aad ee ka soo wareegatay, markii xilka loo doortay awgeed.

Madaxweynaha ayay maanta afar sano ugu buuxdaa, markii loo doortay jegada madaxtinimada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa maxaabiista qaarkood ka bixiyay lacago daymo ahaa oo lagu lahaa.

Maxaabiistan ayaa gelinkii dambe ee Axaddii laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Koonfur Galbeed, Aadan Cali Axmed ayaa Madaxweyne Laftagareen uga mahadceliyay cafiska uu maxaabiistaasi u fidiyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com