Gudoomiye Jeyte oo shacabka faray inay ka baxaan dhulka Shabaab ku sugan yihiin

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa shacabka ugu baaqay inay isaga baxaan dhulka ay maleeshiyada Al Shabaab ka arrimiyaan, si aysan waxyeelo uga soo gaarin gulufka ku wajahan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Shabaabku yihiin nooc ka mida fayriska, isla-markaana ay doonayaan inay dadka shacabka ahi ku dhex dhuumaaleystaan, sidaasi daraadeedna ay tahay in rayidku ka fogaado goobaha ay ka arrimiyaan.

“Dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed meel kasta oo nimankaasi jooggaan waa inay ka fogaadaan, waayo nimankaasi waa nooc fayris ah, waxayna rabaan inay dadka ku dhex dhuumaaleystaan, annaguna waxaan rabnaa in shacabkuna badbaado, ayaguna aan burburino, haddii Ilaahay Alle idmo.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Sidaa darteed waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay guud ahaan ka fogaadaan dhulka nimanka cadowga ah ay jooggaan.”

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in si gaar ahi ay shacabku uga fogaadaan deegaanada Ceelgod, Ceelboore iyo goobaha kale ee ku dhow dhow.

“War hooy Soomaaliyeey nimankaasi waa cadow, waxaana naga go’an haddii Alle idmo inaan burburino, oo aan ka dabar-jarno dalka Somaliya, qaasatan meeshay hadda ku sugan yihiin inaan ku burburinaa naga go’an, diyaaradaa waxyeeshay iyo dhulkaa wax la iga yeelay, hadhow gama’ gama’ ma shaqayn doonto.” Ayuu yiri Gudoomiye Jeyte oo warkan ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Warka Gudoomiye Jeyte ayaa imaanaya, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga Macawiisleyda ay isku diyaarinayaan guluf la qorsheynayo inay ciidamadu ka fuliyaan deegaanada dhaca daanta galbeed ee Webiga Shabelle iyo deegaanada kale ee ku teedsan xadka gobolkaasi la wadaago Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com