Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sheegay in hal waddo oo keliya xilka looga qaadi karo

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muddo kordhinta uu dhawaan Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay, xilli waqtiga xafiiska loo doortay ay ku ekeyd shalay, oo ahayd 19-ka bisha December.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in sifo sharci ah uu haatan ku jooggo xafiiska, maadaama Xildhibaanada Baarlamaanka ay waqtiga u kordhiyeen, waddada keliya ee xafiiska uu kaga taggi karana ay tahay, iyagoo mowqifkoodii hore ka laabta.

“Masuuliyaddaas iyada ah waxaa iska leh Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Baarlamaanka Koonfur Galbeed wuxuu ka qabaa, ka qabaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu xusayay afar sano guurada ka soo wareegatay, markii xafiiska loo doortay.

“Hay’addii sharci-dejinta waaye, shalay ayagaa go’aankan gaaray, oo hab bay u soo mareen, mooshin baana la keenay, sharciyad ayaa taallo oo nidaam iyo dowladaa noo jirto. Xeer iyo nidaam aan annaga sameysanay baa yaallo.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo duray siyaasiyiinta ka biyo diidan muddo kordhintiisa ayaa waxa uu sheegay inaanay waxba ka bedelin karin shuruucda maamulka u degsan.

“Nin iyo qof xanaaqsan ama siyaasad u xanaaqsan amaba dareen kale qabo, sharciyaga, nidaamka iyo dowladnimada midna waxba kama bedelayo, marka waqti dheer inaan geliyo ma rabo.” Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay inuu aqbali doono, haddii Xildhibaanada ka laabtaan go’aankii ay ku doonayeen inay isu waafajiyaan Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

“Sharci iyo nidaam ayay tahay in maanta loo maro, haddii la rabo in la iska daayo muddo kordhinta, waxaan ka qabana maleh, shalayna aniga ma codsanin, Xildhibaanadaa keenay, maantana hadday keenaan raali baan ka ahay.” Ayuu yiri Laftagareen.

Doorashada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sanad iyo saddex bilood ka dambeysa midda Madaxtooyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com