Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan xuska sanad guurada 79aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay lafdhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka, isagoo sheegay in mar kasta ay naftooda u huraan ciidda iyo Calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay ku garab istaaggaan ciidanka gudashada waajibaadkooda qaran, gaar ahaan xilligan oo dalku u jiheystay dabar-goynta kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com