RW Barre oo guddoomay qorshe howleedka Wasaaradda Amniga ee sanadka cusub

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa galabta ka guddoomay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ahna Kusimaha Wasiirka, Maxamed Cali Xagaa ballanqaadka qorshe howleedka wasaaradda ee sanadka cusub ee 2023.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ahi siineyso sugidda amniga dalka, si maleeshiyada Al Shabaab looga saaro dhulka ay ka arrimiyaan.

“Waxaana uu kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda inay xaqiijiyaan, sidii looga gun gaari lahaa qorshooyinka howleed ee wasaaraddu soo bandhigtay maanta, si shacabka Soomaaliyeed ay sanadka cusub ee 2023 u helaan amni sugan iyo kala dambayn.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa toddobaadkan bilaabay barnaamij uu wasaaradaha kaga guddoomayo qorshe howleedkooda ee sanadkan foodda inagu soo haya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com