Munaasabad gelinkii dambe ee maanta lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayay xilka kula wareegaan Wasiirada cusub ee Galmudug.
Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiiradii hore iyo kuwa cusub, ee uu 5-bishan magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Wasiiradii hore ee Wasaaradaha Kalluumeysiga & Khayraadka Badda, Boostada & Isgaarsinta iyo Xanaanada Xoolaha uga mahadceliyay shaqadii ay u soo qabteen shacabka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.
Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa Wasiirada cusub kula dardaarmay inay si karti iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda shaqo, una adeegaan shacabka iyo maamulkaba.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com