Ciidankii tababarka ugu maqnaa Eritrea oo qaybtii ugu horreysay dalka ku soo laabtay

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in qaybtii ugu horreysay ciidankii tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea ay maanta dalka dib ugu soo laabteen.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidankan ay bilow u yihiin qorshaha Dowladda Federaalka ay dib ugu soo celineyso ciidamadaasi.

Wasiirka ayaa bidhaamiyay in ciidamadu ka qayb qaadan doonaan hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee dalka ka dagaalama.

“Ciidamadeenii tababarada ugu maqnaa dalka Eritrea, qaybtii ugu horreysay maanta ayay soo deggeen, maalmaha soo socdana inta hartay ay soo dhameystirmi doonaan, iyaga oo qayb ka noqon doona dagaalada lagula jiro Khawaarijta.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Sidaad la socotaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda muddo laba jeer ah ayuu Eritrea ku laabtay, isaga oo dadaalo gaar ah ku bixinayo in ciidamadaasi ay dalka dib ugu soo laabtaan, ka dib markii tababaradooda dhameystirtaan, kana qayb qaataan hawlgalada socda.”

Waxa uu intaasi ku daray “Maanta ayay noo suurtagashay qaybtii ugu horreysay inay dalka ku soo degto, inta hartayna ay imaan doonto. Waxay dhabar jab ku tahay Khawaarijta iyo cid walba oo nabadda & dalka guud ahaan dhib ku hayso.”

Wasiir Jaamac ma sheegin tirada ciidanka horudhaca ah ee dalka ku soo laabtay, waxaase la fahamsan yahay in Asmara ay Muqdisho u tababartay qiyaastii shan kun (5,000) oo askari.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com