Laba nin oo ka tirsan Shabaab oo lagu soo bandhigay Muqdisho

Laba nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab ayay hay’adaha ammaanka ku soo bandhigeen Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in mid ka mida xubnahan lagu soo qabtay hawlgal ay iska kaashadeen shacabka ku dhaqan Degmada Kaaraan iyo ciidamada amniga. Hawlgalkaas ayuu sheegay in lagu dilay nin kale oo la socday ninkaasi, isaga oo intaasi ku daray in gacanta lagu soo dhigay hubkii ay wateen iyo mooto bajaaj ay doonayeen sida uu sheegay inay weerar ku gaystaan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ninka labaad ee la soo bandhigay lagu soo qabtay hawlgal ay xoogaga ammaanka ka sameeyeen Degmada Dayniile.

Afhayeenka ayaa xusay in ninkani uu qorsheynayay weerar liddi ku ah badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir, sida uu yiri.

“Hawlgalkan la dagaalanka Khawaarijta iyo burcadda hubeysan wuu sii socon doonnaa, illaa iyo inta ciidamada ammaanku ay ka xaqiijiyaan amniga Caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda.” Ayuu yiri Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Dhanka kale Sadiiq Aadan Cali, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa milkiileyaasha mooto bajaajta ugu baaqay inay sifo sharci ah ku wareejiyaan mootooyinkooda, marka ay shakhsiyaadka kale ka iibinayaan, bacdamaa bajaajtan ugu dambeysay ee lagu soo qabtay hawlgalkii Kaaraan uu weli ku diiwaangishan yahay milkiilihii hore.

“Taas oo markii gacanta lagu soo dhigay baaris iyo dabagal dheer oo lagu sameeyay ka dib la ogaaday inaysan is lahayn milkiilaha markaa gacanta ku hayo oo isticmaalayay iyo milkiilaha ku diiwaangashan, sidaas daraadeed wargelintan ammaan ayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan milkiileyaasha mooto bajaajta ku ogeysiinaynaa inay si aad ah uga taxadaraan milkiileyaasha kala gata mooto bajaajta inay ku wareejiyaan nootaayo sifo sharci ah.” Ayuu yiri Doodisho.

Doodisho ayaa intaasi ku daray “Ma dhici karto in qof milkiile ah oo mooto bajaaj wata mootadii falal amni darro inay gasho, qofkii horey u gatayna uusan wareejinin, mar walba oo aan falalka noocaas ah qabano, waxaan sharciga la tiigsan doonnaa qofka ku diiwaangashan, sidaasi darteed dadka waxaan gaarsiinaynaa wargelin ammaan oo ah in dadka mooto bajaajta iska gada iyo gaadiid oo dhan ay sifo sharci ah ku kala wareejiyaan nootaayada, si masuuliyadda wixii ka yimaado uu u yeesho milkiilahan dambe.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com