Hormuud oo deeq u fidisay bukaan xaaladdiisa dalka waxba looga qaban waayay

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta munaasabad sagootin ah u sameysay bukaan xaaladdiisa caafimaadeed dalka waxba looga qaban waayay.

Munaasabadda ayaa lagu sagootinayay Salaad Cabdullaahi Mukhtaar oo 11 jir ah, kaasoo afka iyo daanka ay uga taalo buro weyn oo walaac badani ku haysay qoyskiisa oo mid danyar ah.

Hay’adda HSF ayaa Salaad Yare iyo aabihii Cabdullaahi Mukhtaar ka keentay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo 18-kii bishii August, iyadoona ay hay’addu dejisay hotel ku yaala magaalada. Muddadaasi Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ayaa baaritaan ku hayay xaaladda haysata wiilkani yar, waxaana baaritaanka lagu ogaaday inaanan xaaladdiisa caafimaadeed dalka waxba looga qaban karin, ayna tahay in dibadda loo qaado.

Iskaashi dhexmaray Hay’adda HSF iyo Safiirka Turkiga ee dalka, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa suurtagelisay in dalka Turkiga loo qaado, waxaana xusid mudan in kharashka ku baxaya daweynta iyo daryeelkiisa caafimaadeed ay dusha u ridatay hay’adda, waana hay’adda bixineysay wixii kharash ee ku baxayay isaga iyo aabihii, intii ay Caasimadda Muqdisho jooggeen, baaritaanka caafimaadeedna lagu sameynayay.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa Allah uga baryay in caafimaad wanaagsan uu siiyo Salaad Yare, dawana ugu daro qaliinka loogu samayn doono dalkaasi Turkiga.

Gudoomiyaha ayaa u mahadceliyay Danjire Mehmet Yilmaz, sida uu hay’adda ugala shaqeeyay, sidii da’yarkaasi Soomaaliyeed loogu qaadi lahaa Turkiga.

Sheekh Cabdulqaadir Xaashi iyo Cabdicasiis Xasan Faarax oo ka tirsan Madaxda Hay’adda Al Rahma Foundation, kana mid ah ehelada Salaad Yare ayaa uga mahadceliyay HSF dadaalka badan ee ay ku bixineyso, sidii uu u caafimaadi lahaa.

Cabdicasiis Xasan iyo Sheekh Cabdulqaadir ayaa ballanqaaday inay si dhow ula socon doonaan xaaladdiisa, muddada uu dalkaasi ku sugan yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com