Laftagareen oo bilaabay kulamo uu taageero kaga raadsanayo beelaha

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ka bilaabay kulamo uu taageero kaga raadsanayo beelaha, si uu xafiiska u sii jooggo, maadaama muddadii xileedkii loo doortay ay ku ekeyd 19-kii bishan.

Madaxweynaha ayaa Hoggaanka Dhaqanka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada beelaha ka doonaya inay ka taageeraan, haddiiba ay dhacdo in Xildhibaanada Baarlamaanka ay wax ka bedelayaan go’aankoodii la sheegay inay muddada ugu kordhiyeen Madaxweynaha, si la isku waafajiyo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada. Doorashada Baarlamaanka ayaana sanad iyo saddex bilood ka dambeysa midda Madaxtooyada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay xubno metelayay Beesha Boqol Hore, oo uu ka codsaday taageerada beesha.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu weji gabax kala kulmay xubnihii beeshaasi, sababo ku aaddan beesha oo wax badan ka tirsaneysa muddadii uu xafiiska joogay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in odayaashii horkacayay xubnahaasi ay ku andacoodeen, ka hor intii aanu Laftagareen xilka qaban ay beeshu xubno muhiim ahi ku laheyd maamulka, markii uu xafiiska yimidna uu beesha ka eexday.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur oo ka mid ahaa xubnihii uu Madaxweynuhu la kulmay ayaa ku guuldareystay in labada dhinac uu isu soo dhaweeyo, waana ninka uu markii horeba Madaxweynuhu ka dalbaday in uu beesha la kulansiiyo.

Si kastaba ha ahaatee beeshan ayaa is barbar-taagtay beelaha kale deegaanka ee daneynaya in maamulku uu doorasho aado.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com