Wariye Coldoon oo maanta dib u helay xorriyadiisa

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa saaka laga sii daayay Jeelka Weyn ee Hargeysa, ka dib markii uu dhameystay muddadii xabsiga ee lagu xukumay.

Wariyaha ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku xirnaa deegaanada Somaliland, ka gadaal markii Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa ay ku xukuntay muddo laba sano ah.

Cabdimaalik Muuse oo sidoo kale arrimaha samafalka ka shaqeeya ayay Booliska Gobolka Togdheer sanadkii hore ka soo xireen goobtiisii shaqo ee Magaalada Burco, iyadoona markii dambe loo wareejiyay dhanka Magaalada Hargeysa.

Coldoon oo horey sidaan oo kale loogu xiray deegaanada Somaliland ayaa xabsiga laga sii daayay bishii June ee sanadkii 2020.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com