Aadan Madoobe oo si adag uga hadlay dagaalka Baydhabo

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa war ka soo saaray dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo, isagoo dhanka kalena ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay dagaalkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka uu dhiigga ku daatay ee ka dhacay magaalada, waxaana uu dhinacyada ugu baaqay in si shuruud la’aan ahi ay colaadda u joojiyaan.

“Dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka, waxaan farayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyaan dhiillada colaadeed ee taagan, loona turo shacabka tabaaleysan. Sidoo kale masuuliyiinta, siyaasiyiinta, saraakiisha, dhammaan ciidamada qalabka sida iyo cid walboo ku lug leh, waxaan uga digayaa in ay qayb ka qaataan dhiig la daadiyo xilligan.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa dhinacyada ugu yeeray in wixii khilaaf ah ay ku xaliyaan miiska wada hadalka, sidii uu horaanba ku baaqay.

“Dhammaan wixii khilaaf siyaasadeed ah ee ka jira deegaanka, sidii aan horey u soo jeedinay, waxaa lagu xalinayaa miiska wada hadalka.” Ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe ayaa xiisadda Baydhabo ku tilmaamay mid looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo shirka dib-u-heshiisiinta siyaasiyiinta, ee uu iclaamiyay in 5-ta bisha soo socota ee January uu ka furmi doono magaaladaasi.

“Waxaan u aragnaa dhaqdhaqaayadan kuwo looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib-u-heshiisiinta aan ku baaqnay ee lagu madlanyahay 5-ta bisha Janaayo 2023-ka.” Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe ayaa dhinacyada ugu goodiyay “Ugu dambayn waxaan mar kale xusuusinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh qalalaasaha ka socdo Magaalada Baydhabo in lagu la xisaabtami doono, wixii khasaara ah ee ka dhasha, waqtigii isla xisaabtan la’aantana la soo dhaafay.”

Xiisadda ka taagan Baydhabo ayaa salka ku haysa muddo xileedkii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ku ekaa 19-kii bishan iyo mucaaradka oo ka biyo diidan in uu xafiiska sii jooggo, iyadoo aanay wax doorasho ahi dhicin, inkastoo Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu muddo kordhin u sameeyay xilliga Madaxweynaha uu xafiiska sii joogayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com