Faah faahin: Dagaalka Magaalada Baydhabo

Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa caawa degan, ka dib dagaal saacado badan qaatay oo maanta ka dhacay magaaladaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii ciidamo ka amarqaata Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay saakay weerareen hoyga uu magaalada ku leeyahay musharax Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ee ka biyo diidan muddo kordhintii uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo muddadii xafiiska loo doortay ay ku ekeyd 19-kii bishan December.

Maleeshiyaad taabacsan musharaxiinta mucaaradka ayaa iska caabin xoog leh kala hortagey ciidamadii weerarka soo qaaday, oo dhowr jeer ay dib u riixeen. Ciidamada ayayna ugu dambayn gelinkii dambe ee maanta u suurtagashay inay la wareegaan gurigaasi.

Dagaalka oo mar istaagay barqanimadii maanta ayaa magaalada dib uga qarxay xilligii Salaadda Jimcaha, markaas oo ay dib iska soo abaabuleen ciidamadii ka shidaal qaadanayay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo.

Ciidamada ayaa qabqabtay maleeshiyaad lagu hareereeyay hoyga Fargeeti, kuwaa oo goobta looga daadgureeyay gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Booliska iyo kuwa Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Baay. Maleeshiyadaasi ayaa goobta laga kaxeeyay, iyagoo qaarkood dhaawacyo qaba.

Maleeshiyaad kale oo qaab beeleed u abaabulnaa, gacana siinayay maleeshiyada lagu kubaareeyay guriga Fargeeti ayaa si dirqi leh dib uga gurtay xaafadda Berdaale, ka dib markii ay rasaas la’aan soo foodsaartay.

Ciidamada ayaa xiray wadooyinka magaalada qaarkood, iyagoo markaasi ka hortagaya in maleeshiyadaasi looga soo gurmado xaafadaha magaalada.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jirto tiro-koob rasmi ah oo maamulka uu ka soo saaray, balse uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Guud ee Baydhabo ayaa laga soo xigtay in isbitaalkooda oo keliya la soo gaarsiiyay dhaawacyada 17 qof, oo u badan dad rayid ah, mid ka mida oo wiil yar ahaana uu isbitaalka ugu geeriyooday dhaawicii uu qabay.

Dagaalkan ayaa maanta si weyn looga dareemay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoona uu hakad ku keenay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale caqabad muuqatay kala kulmay isgaarsiinta la jaray, maadaama ay ka horjoogsatay inay adeegsadaan adeegga lacagaha teleefanada ee EVC plus iyo e-Dahab.

Bulshada oo u badan kuwo lacagaha ku qaata teleefanadooda gacanta ayay qaar badanoo ka mid ah ku dhacday quraac iyo qado la’aan. Isgaarsiinta ayaa dib u soo laabatay gelinkii dambe ee maanta.

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dhinacyada ugu baaqay in si shuruud la’aan ahi ay colaadda u joojiyaan.

Siyaasiyiinta ayuu ugu baaqay in wixii khilaaf ah ee jira ay ku xaliyaan miiska wada hadalka, isagoona uga digay in ay dagaalka sii wadaan.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa dalbanaya in la qabto Doorashada Madaxtooyada, inkastoo xafiiska Madaxweynuhu uu u muuqdo mid aanu baalkaba ugu qorneyn in xilligan wax doorasho ahi la qabto.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com