Musharax Fargeeti oo ka hadlay weerarka lagu qaaday hoygiisa Baydhabo

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa si kooban kaga hadlay weerarka saaka lagu qaaday hoygiisa Magaalada Baydhabo.

Ex Wasiir Fargeeti oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed, kana tirsan siyaasiyiinta ka biyo diidan muddo kordhinta Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay in saaka weerar gardaro leh lagu soo qaaday hoygiisa Baydhbo, inkastoo uu isagu ku maqan yahay Magaalada Muqdisho.

Fargeeti ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in ciidamo isugu jira Booliska Federaalka, NISA, Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay soo weerareen hoygiisa.

“Waxaa saaka aroortii gurigayga Baydhabo ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federaalka, NISA, Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed, welina dagaalka wuu socdaa.” Ayuu yiri Fargeeti.

Fargeeti iyo xubnaha kale ee musharaxiinta mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid muddo kordhinta uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweyne Laftagareen, oo muddo xileedkiisu ku ekaa 19-kii bishan December.

Mucaaradku waxay dalbanayaan in la qabto Doorashada Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Dagaalka saaka ka socdo Magaalada Baydhabo ayaa si weyn looga dareemay magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com