Shariif Xasan oo si kulul u weeraray Madaxweyne Laftagareen

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si adag uga hadlay dagaalka saakay ka qarxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada ee Koonfur Galbeed ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ku eedeeyay in caburintii dadka reer Koonfur Galbeed ku hayay uu maanta ku daray inuu dadkii laayo, sida uu yiri.

“Inuu yiraahdo kuwo iga feker duwan ma jooggi karaan oo uu xirxiro waan la yaabanayn, laakiin inuu waxaan soo wado waan dareemi karnay, waxaana aad iyo aad u fiicneyd in laga hortaggo Dowladda Dhexe iyo beesha caalamkaba, arrimahaas annaga qaylaa ka jeedinaynay maalin walbo.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo intaasi ku daray “In qofkii aniga iga soo horjeedo ma imaan karo Baydhabo, qofkii aniga iga soo horjeedo ma jooggi karo oo waan xiraa, wax muddo badan soo socday waaye.”

Shariif Xasan ayaa yiri “Bani’aadamka haddii inta khalad galo oo lagu fiirsado, wuxuu isku qaataa inuu saxanyahay, haddana waxaan leenahay ninkaas waqtigiisana dhammaaday dalka inuu isaga leeyahay keliya u haysta, dalkuna waa la isla leeyahay, Soomaaliyaa wada leh, reer Koonfur Galbeedaa wada leh, qof malahan, waxayna ahayd diidmada uu diiday in laga diido ayay ahayd, haddii taas inta loo fududeeyay oo looga aamusay, dadka inuu laayuu maanta ku daray.”

Shariif Xasan iyo xubno kale oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in Madaxweynaha lagula xisaabtamo dadka uu sheegay inuu laynayo.

“Marka waxaan rajeynaynaa dadka inuu laayo inaanan haddana loo dhaafin, in lala xisaabtamo oo waqtigiisa waa dhammaaday, in asagoo Madaxweynihii hore uu dadka laayo wax la qaadan karo ma ahan. Runtii aad iyo aadaa uga xunahay, inta dhimatay Allaha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu caafiyo.” Ayuu yiri Shariif Xasan.

Waxa uu intaasi sii raaciyay “Waxaan leenahay dadka ha isku laayin, dadka ha isku laynin, in dadka la isku laayo kursi laguma haysan karo. Kursi waxaa lagu haysan karaa ogolaanshaha dadka, raali ahaanshaha dadka wax wada leh, adigoo tixgelinaya ayaa la maamuli karaa, laakiin in loo maamulo waddan dhan guri adiga aad leedahay oo kale, war gurigaagaa diidi kartaa, laakiin waddan ma diidi kartid.”

Shariif Xasan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ugu baaqay “Gefka la sameynayo in wax laga dhahaa la rabaa.

Mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid muddo kordhintii uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweyne Laftagareen, oo 19-kii bishan ay ku ekeyd 4-tii sano ee xafiiska loo doortay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com