Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socdo Magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saaka uu dagaal ka socdo bariga magaaladaasi, ka dib markii ciidamada amniga ay weerareen guriga mid ka mida siyaasiyiinta deegaanka, balse haatan ku maqan Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa xilligii Salaadda Subax ka dib weeraray hoyga Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), oo ku yaala dhabarka dambe ee Isgoyska Samafone, iyadoona uu dagaalku ku fiday dhanka Dr. Ayuub Stadium iyo xaafadaha kale ee ku dhow dhow.

Mukhtaar Cali Mursal oo ka mid ah dadka degan xaafadda Berdaale ayaa Universaltv u sheegay in maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan ay iska caabin kala hortaggeen ciidamada amniga.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in xaalad kacsanaan ahi ay saaka ka jirto Xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Degmada Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow) ayaa Taliska Ciidanka NISA ee gobolkaasi ku eedeeyay inay ku howlan yihiin shaqo aan ahayn middii loo igmaday.

“Mar horena waan ka dignay, haddana waan ka digaynaa Koonfur Galbeed dagaal uma baahna ee doorasho ayay u baahan tahay. Dagaal waxaa noogu filan midka aan argagixisada kula jirno.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha oo Universaltv la hadlay ayaa yiri “NISA shaqadeeda waxay tahay inay cadowga ka hortagto, isla-markaana ay burburiso ee ma ahan in shacabkeeda loo adeegsado.”

Koonfur Galbeed waxaa muddooyinkanba ka taagnaa xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muddo kordhintii uu dhawaan Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo muddo xileedkiisu ku ekaa 19-kii bishan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay muddo kordhintaasi, oo ay ku sheegeen mid aan sharci ahayn.

Baarlamaanka ayaa la sheegay in sanad iyo saddex bilood ay ugu kordhiyeen waqtiga Madaxweynaha, si la isku waafajiyo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada, oo aan isu waqti ahayn.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com