Barre oo la kulmay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda (SAWIRRO)

Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda.

Raysal Wasaaraha oo kulankaasi ka hadlayay Agaasimeyaasha faray ilaalinta waqtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo Agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeenada wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka.

Raysal Wasaaraha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud u leeyihiin howlfulinta shaqada dowladda, isaga oo ku adkeeyay in shaqada la soo galo xilli hore, si bulshada loogu adeego xilliga ugu habboon.

“Xukuumadda DanQaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir, oo ay horgeysay Baarlamaanka iyo ballanqaadkii ka dambeeyay ee aan kala saxiixanay Wasiirada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa Agaasimeyaasha kula dardaarmay in ay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeenada ay madaxda u yihiin, kana soo dhallaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Dhanka kale Raysal Wasaare Barre ayaa Agaasimeyaasha Wasaaradaha amar ku siiyay in meesha laga saaro shaqaalaha aan soo shaqo tagin ee mushaarka qaato.

Barre ayaa tilmaamay in ay jiraan shaqaale dibadda isaga maqan, kuwaa oo aan shaqada dowladda soo xaadirin, isla-markaana ay cunayaan lacag aysan shaqaysan oo xaaraan ku noqonaysa, taasi oo ah sida uu yiri musuqa meesha uu ka bilowdo, kuna dhammaado.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com