Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu Caasimadda Muqdisho kaga qaybgalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay kaga arrinsanayaan arrimaha amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Shirka oo toddobaadkan ka furmi doono Magaalada Muqdisho ayaa lagu gorfeyn doonnaa guulaha laga gaaray dagaalkan lagula jiro kooxaha argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo muddo xileedkii Madaxweyne Laftagareen uu dhammaaday, xiisad looga soo horjeedo muddo kororsigiisana ay ka taagan tahay Magaalada Baydhabo.

Baydhabo waxaa Jimcihii ka dhacay dagaal gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com