Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska sanad guurada 79aad ee Booliska (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qaybgalay xuska sanad guurada 79aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dadaalada dowladda ee dib-u-dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo, isaga oo xusay in Sarkaal walba lagula xisaabtami doono masuuliyaddiisa.

Madaxweynaha oo kula dardaarmay Taliska guud, Talisyada Qaybaha iyo Hoggaanada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed dhowridda xeerarka iyo shuruucda ciidanka ayaa faray in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaalanka maandooriyaha iyo musuq-maasuqa oo uu tilmaamay in caqabad ku yihiin sugidda amniga dalka.

“Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in ay ka hortagaan in askartu Maandooriye isticmaasho. Waa cadow hortaagan in askarigu waajibkiisa guto waana in aan la oggolaan in Ciidanka Booliiska uu ka mid noqdo qof Balwad isticmaala.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale faray Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoona hoosta ka xariiqay in Sarkaal waliba lagula xisaabtamidoono shaqada loo igmaday.

Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalk, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Saraakiisha iyo Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com