Mid ka mida Wasiiradii tiirka u ahaa Madaxweyne Laftagareen oo is casilay

Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur ayaa caawa is casilay, ka dib shaqaaqooyinkii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa is casilaaddiisa u sababeeyay inaanay u cuntamin weerarka subaxnimada Jimcaha lagu qaaday hoyga musharax Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) uu ku leeyahay Magaalada Baydhabo. Fargeeti ayaa ka mid ah xubnaha musharaxiinta mucaaradka ee doonaya in la qabto doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed, isla-markaana diidan muddo kordhintii uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ciidamo ka amarqaata Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa weerar ku ekeeyay hoygaan oo ku yaala xaafadda Berdaale ee bariga Baydhabo, xilli Fargeeti uu ku maqan yahay Caasimadda Muqdisho.

Wasiir Ilyaas oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa yiri “Dgaalkaas ka dhacay Magaalada Baydhabo, aad iyo aad ayaan uga xunahay, shakhsi ahaan aniga waxaan ahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta & Wacyigelinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya.” Ayuu yiri Wasiirka

Waxa uu sheegay in intii uu dagaalku socday uu wada hadal ku dayay maamulka, si maleeshiyadii ku sugneyd hoyga la weeraray looga soo saaro, iyagoo aan la dhibaateyn, balse aysan cidina waxba ka maqal.

“Waxaa dhacday dhacdo aan aad uga xumaanay oo aad u foolxun, marnaba qofkii damiirka leh oo qalbigiisa ku jirto Islaamnimo iyo dadnimo uusan qaadan karin.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray “Waxaan go’aansaday anigoo ah Ilyaas Cali Nuur Cali oo maskaxdayda ay taam tahay in xilkii Wasiirnimada ahaa iska casilo, maanta oo taariikhdu tahay 24-ka bisha December 2022.”

Wasiirka ayaa xusay inaanay cidina ku khasbin, kana codsan inuu is casilo, balse uu go’aankaasi u qaatay inay u cuntami weyday in uu indhaha uun ka daawado dadkiisa oo la laynayo, sida uu yiri.

Is casilaaddiisa ayaa imaanaysa, xilli uu ka mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ee sida dhow loola xiriiriyo Madaxweyne Laftagareen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com